Flash movie.
SKIP INTRO
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.
Flash movie.



 24/7 Online Soomaali      عربي    Francais      Swahili    Italiano  中文  Norsk  Svenska  Hind



Khamiis, September 13, 2012 (Wararka Dowladda Soomaaliya): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa soo booqday wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiris Cali iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Kulankaas waxaa kala qeyb galay Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Professor Maxamed Sh. Osman Jawaari iyo mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Soomaaliyo. Waxaa kale oo goob joog ka ahaa Safiirka Jabuuti Mudane Dayib Dubad Roble.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si fiican ugu soo dhaweeyay wafdiga Villa Somalia kuna wargeliyay in aysan Soomaliya marti ku aheyn oo ay tahay dalkoodii.”dadka dhex gala waa dadkiinii la hadla” saas waxaa yiri Madaxwenha Soomaaliya markii u la hadlayay wafdiga ka socday Jabuuti.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa aad u amaanay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti kana dhawaajiyay in ay wada shaqeeyn doonan labada dal.


Moqdisho: Jimco, September 29, 2012 (War Deg Deg Ah) :  Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya kaas oo uu kala hadlayay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Baarlamanka.

Kulanka uu maanta kula  qaatay xarunta golaha shacabka  Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa waxa uu ahaa mid lagu dardar galinayay laguna dhiiragelinayay shaqaalaha baarlamaaanka shaqada ay u hayeen Qaranka.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya oo la hadlay kulanka dib warbaahin ayaa sheegay in kulankoodu uu ku saabsanaa dar dargelin howlaha baarlamanka isagoona shaqaalaha kula dardaarmay howsha ay u hayeen Ummadda Soomaaliyeed in ay u gutaan si wanaagsan.

Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ay saxaafadda wax ka weydiisay dilkii loogeystay mudane ka tirsanaa baarlamanka kaas oo dhawaan kooxo hubeysani ay ku dileen magaalada Muqdisho ayaa waxa uu tilmaamay in arrintaasi ay  qalqal gelindoonin Mudaneyaasha baarlamanka ee had iyo jeer u taagan in ay shacabkooda u adeegaan.

Afhayeenka Baarlamanka ayaa shacabka ku booriyay in ay san marnaba ka niyad jabin falalka amindarada ah oo ay shabaab ku doonayaan in ay ku qalqal galiyaan hanaanka dowladnimo ee dalka ka hana qaaday.

Kulanka uu la qaatay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya shaqaalaha baarlamanka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu la qaato Guddoomiyaha iyadoona kulanka looga hadlayay sidii loo hormarin lahaa howsha baarlamanka Soomaaliya maadaama dalka uu ka baxay KMG noola gudbay dowladd dhameystiran.




The Director of the Office of the Somali Governmental Information Technology in Multilingual E-Governance, the Chief of the NSS/Diplomatic Branch & the Spokesperson of the Federal Republic of Somalia Ambassador Dr. Badal Kariy